Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga waxaa soo dhoweeyay Wafdi ka socay Boqortooyada oo u galbiyay Qasriga Martida.
Nasasho iyo qado kadib wafdigii Kheyre ayaa loo gelbiyay Guriga Boqor Salmaan oo uu kula kulmayo Madaxda Dalkaasi oo Casuumadda uu ku tagay Sacuudiga lahaa.
Xubnaha soo dhoweeyay Wafdiga Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Soomaaliya waxaa kamid ahaa, Amiir Maxamed Bin C/raxmaan oo kamid ah Xubnaha dhaxal sugayaasha, Gudoomiyaha iyo duqa Magaalada Riyadh.
Sidoo kale Xubnaha Soo dhoweeyay waxaa kamid ahaa Dr.Maxamed Khayaat oo ah Safiirka Adeegaha Xamareynka arrimaha Soomaaliya.
Dhanka Soomaalida waxaa hogaaminayay Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Sacuudiga Saalmi Macoow Xaaji.
Waxaa la filayaa in kulan labo Geesood ah ay wada yeeshaan Boqor salmaan iyo Dhaxal sugaha oo wiilka uu dhalay ah ee Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Warbaahinta Sacuudiga oo la hadashay Labada dhinac ayaa sheegtay in Si guud Shirkooda ay ugu wada hadli Doonaan Xiriirka Labada dal iyo taageerada Sacuudiga ee Soomaaliya.
Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qayb ka ah Wafdiga Wasiirka Koowaad ee Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo la qaadan doono Xubno ka socdo Boqortooyada iyo dhaxal sugayaasha.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga soo noqday kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, waxaana wali banaan Booliiskii Safaaradda uu ka tagay, waloow uu si haye ka yahay Ku xigeenkisii.
Kheyre ayaa dhanka kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir oo ay si hordhac ugu wada hadleen Xiriirka iyo Xaaladda labada dal.





