Sawirro:- Germany iyo France oo Soomaaliya lacag ugu deeqay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah-faahinaya Kulan Madaxweyne Farmaajo uu warqadaha aqoonsi danjirinimo ka gudoomiyay Safiirada France iyo Germany ay usoo magacaawdeen Soomaaliya.

Ambassador Cawad ayaa sheegay in labadaan Safiir oo ah Haween ay kala matali doonaan Dalalka ay wakiilka ugu yihiin Arrimaha Soomaaliya, si lamid ah iyanne ay kala hadli doonaan danaha ay ka yeeshaan dalalkooda.

Danjire Annette Gunthe ayaa badali doonto Safiiraddii Xilka kaga horeysay oo Muddo Badalkeeda la gaaray.

Annette ayaa tilmaamtay in ay ka shaqeyn doonto Danaha labada dal iyo Xoojinta Xiriirka labada geesood ah ee ka dhaxeeya.

Haweeneyda labaad ee Danjire ah oo uu maanta Madaxweyne Farmaajo ka gudoomay Warqadaha aqoonsi Safiirnimo waa Aline Kuster-Menager waxa ayna matali doontaa Dowladda France.

Labadaan Safiir ayaa sheegay in ay ka qayb qaadaan doonaan dhismaha Ciidamada Booliiska, hirgelinta Mashaariic Waddooyin lagu dhisayo iyo howlo kale oo lagu hormarinayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirada Germany iyo France ayaa berri Muqdisho ku kala saxiixan Doono Mashaariic qiimo ahaan ku kici doono $100 Milyan oo Doolar.

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda France u qaabilsan Somalia Cali Ducale-2

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda France u qaabilsan Somalia Cali Ducale-6

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Danjirnimo ka gudoomey safiirka cusub ee dowladda Germayn u qaabilsan Somalia Cali Ducale-5

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda France u qaabilsan Somalia Cali Ducale-14

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Beesha Caalamka uu u bandhigay Culeys DFS Saartay.

Read Next

Aqriso:- Mooshinkii laga Gudbiyay Madaxweyne Waare oo Xal laga gaaray.