MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Waxaa ay ahayd Riyo u rumoway Apollo Kinga iyo xaaskiisa Joyce Njoki, kaddib 58 Sano oo ay wada noolaayeen,hadda ayey go’aansadeen in ay Xaflad aroos ah dhigtaan.

Guurkoodii ugu horreeyay waxaa la shaaciyay December 11, 1959kii,waxaana markaas ka shaqeeyay Odayaasha labada Lamaane.

Ku dhawaad lixdan Sano ka hor ayey shaaciyeen xiriirkooda iyo Jacaylkooda,waxaa ay munaasibad ku dhigteen Magaalada Kandara, ee Gobolka Murang’a ee dalka Kenya.

Labadooda sida ay ka sheegeen xafladda guurkooda waligood iskuma dhicin,waxaana ay jacaylkooda ka billaabeen markii ay isku fasal ka noqdeen Dugsiga hoose.

“Waxaan muddo dheer raadinayay oo aan sugi la’aa maalintan oo kale,ugu dambeyn waa ay timid,nolosha waxaa ugu wanaagsan ama ay badbaado ku jirtaa marka aad hesho qof ku fahmaya”ayey tiri Njoki, oo jir 75 ah.
Xafladda Guurkooda oo dhacay Sabtigii la soo dhaafay waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo isugu jiray dad da’ ah, dhallinyaro iyo Carruur,waxaana qof kasta xiiseynayay sida uu u dhacayo Arooska Nin 83 jir ah oo guursanaya Haweeney 75 jir ah.

Apollo Kinga,ayaa dhaliilay dhallinyarada hadda ee guurka gala kaddibna is fura,waxaa uu ku eedeeyay in ay ka fiirsi la’aan isguursadaan islamarkaana durba is furan.

Waxaa uu dhallinyarada kula taliyay in aysan ku deg deign guurka,iskana ilaaliyaan furriinka faraha badan oo uu sheegay in uu mustaqbal xumo u yahay Ubadka.
Isha:Standard.
Mustaqbal Radio
