Salaad Cali Jeelle oo lataliye sare u noqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyneha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Salaad Cali Jeelle u magacawday in uu u noqdo Lataliye sare sida lagu sheegay faafin rasmi ah oo kasoo baxday Aqalka Madaxtooyada.

Salaad Cali Jeelle waxaa dhawaan laga qaaday xilka Danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana muddooyinkii dambe uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyada oo ugu dambayn xilkaan cusub maanta loo magacaabay.

Xilkaan waxaa horay u hayay hayay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in uu iska casilay, Waxaana booskiisa buxinaya Danjire Salaad Cali Jeelle maadaama uu maalmihii lasoo dhaafay uu bannaanaa.

Salaad Cali Jeelle ayaa ku biiraya liiska Lataliyeyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo ku yimid magacaabis sidaan oo kale uu u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Nigeria, Dal Shidaal qotay haddana Dadkiisu ka baahan yihiin!

Read Next

Cyril Ramaphosa: Waxa aan raadinaynaa xalka sida looga hortagi karo rabshadaha ka dhanka ah Soogalootiga