Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Dalka Nigeria ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika waxa uu dadkiisa la dhibaataysan yahay shaqo la’aan iyada oo dalkaas uu qotay shidaal balse hab maarayntii la sameeyay ayaa dhinac u leexisay sida ay ku doodeen siyaasiyiin iyo xubno kale oo u dhashay Dalkaan.
Darawal Mooto Bajaaj, Ganacsato, Siyaasi ilaa dadka nolosha ku kala duwan ee Nigeria waxa ay ka cabanayaan dhaqaale la’aan baahsan waana tan keentay in hantida qaranka ee shidaalka uu ka marnaado jeebkooda sida ay ku doodeen.
Dadka Nigeria waa kuwo ku faana oo haysta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ah balse waa kuwa korontadu ka tagto iyada oo muddo dheer ka maqnaato, waxaa sidaasi sabab u ah hab maamulka shidaalkaas oo ku jira gacmo aan wax maamuli Karin sida hadalka loo dhigya.
Warbixin uu arrintaan ka sameeyay Teleefishinka Aljazeera waxa uu ku xusay in marka laga soo tago Wadanka Liibiya in ay Nigeria tahay Dalka labaad ee ugu ballaaran khayraatka dabiiciga ah ee guud ahaan Afrika.
Qaar kamid ah shirkadaha shisheeye ee Warshadaha waa weyn ku lahaa Nigeria ayaa isaga tagay iyada oo loo tiirinayo xaaladaha dhinaca Dhaqaalaha ah maadaama dadkii wax ka iibsan lahaa ay la daala-dhacayaan noloshooda maalinlaha ah.
Qof kamid ah Dadka ku takhasusay arrimaha Dhaqaalaha oo Warbixintaan kasoo muuqday ayaa yiri “Waxa aynu nahay Dad Haysta shidaal iyo Gaas haddana ka baahan, Maxaa sababay in ay kororntadu naga tagto weliba waqti dheer mararka qaar maqnaato inaga oo shidaal leh” .
Nigeria waa Dalka ugu horreeyay ee ugu dadka badan guud ahaan Afrika, waxa uu Dadkiisu gaarayaa 240 Milyan oo qof, sida ay u badan yihiin oo Khayraatkooduna u badan yahay uma wada helaan faa’iidada kasoo laabata waana tan keentay cabashada Dad badan.
Mustaqbal
