Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa booqasho ku tagay Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay kooxda TP-OTC ee bixisa taageerada saadka ee Markabka Çağrı Bey Ultra Deep Sea Drilling Ship, kaas oo ka qeyb qaadanaya hawlaha baarista kheyraadka shidaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa kooxda TP-OTC ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha socda iyo cilmi-baarista la xiriirta baarista kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan hawlaha baarista shidaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Soomaaliya iyo Türkiye iska kaashanayaan.
Markabka Çağrı Bey ayaa ku sugan xeebaha Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo kooxda TP-OTC ay halkaasi ka waddo hawlo dhinaca saadka iyo taageerada farsamo ah oo la xiriira mashruuca baarista.
Safiirka Ferhat Alkan ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya taageerada mashruuca baarista shidaalka ee labada dal ay iska kaashanayaan.
Mustaqbal
