Maxaa ka jira in Suuriya ku lug leedahay dagaalka Yemen?
Dowladda Suuriya ayaa beenisay wararka sheegaya inay ku biirayso dagaalka Yemen, iyadoo caddeysay inay garab taagan tahay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta.
Wasaaradda Warfaafinta Suuriya ayaa sheegay in mowfiqka dalkiisa cad yahay, isla markaasna ay ka horjeedaan wax kasta oo dhaawacaya Madaxbannaanida dalka Sacuudiga iyo Amnigiia.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Siyaasadda dalkiisa ay mudnaanta koowaad siineyso dib-u-dhiska dalka, xoojinta hay’adaha dowladda iyo hagaajinta xaaladda nololeed ee shacabka.
Hadalkan ayaa yimid kaddib warar warbaahineed oo sheegayay in Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ay ka wada hadlayaan iskaashi militari oo suuragal ah, oo ay ku jirto in ciidamo Suuriyaan ah loo diro Yemen si ay u taageeraan ciidamada Yemen ee ay Sacuudigu taageeraan, kuwaas oo dagaal kula jira Xuutiyiinta.
Mustaqbal
