DFS oo sheegtay in ay diyaar u tahay la wareegida mas’uuliyada Amniga dalka
14 sano ka dib, Soomaaliya ayaa ka gudbeysa in mas’uul isku hayo labo xil sida Wasiir iyo Xildhibaan, sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoddobkii 97-aad ee Dastuurkii 2012 ayaa xusayay in Xildhibaanka kamid noqon karo Xukumadda, iyadoo qoddobkaasi hadda meesha laga saarey.
Sida ku xusan warqad ogeysiis ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa Xubnaha Golaha Wasiirrada loo soo bandhigay in ay kala doortaan labada Xil ee Wasiirka iyo Xildhibaanka.
“Muddadii lixda 6 bilood ee la rabay inuu Dastuurka Dhaqanka galo waxaa ay ka billaabaneysay 14ka Abriil 2026, iyadoo ku eg 14ka Oktoobar 2026” ayaa lagu yiri Bayaanka Guddoomiyaha Guddiga.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Wasiirka xildhibaan ah wuxuu luminayaa xubinnimada Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu luminayaa xildhibaannimada haddii uu aqbalo xil kale oo dawladeed”
Tillaabadan ayaa meesha ka saareysa in ay isku milmaan labada Hay’adood ee Baarlamaanka iyo Xukumadda oo loogu talagalay in ay isla xisaabtamaan.
Mustaqbal
