Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada XFS?

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta ka qabsoomay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu dhageystay Warbixinno la xiriira xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Diblumaasiyadda.

Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyay Doorashooyinka qof iyo codka ahaa eek a qabsoomay Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sidoo kale, Golaha ayaa meelmariyay qaraar loogu diyaar-garoobayo ka hortaga cudurka Ebola, iyadoo dowladda magacwday guddi ka kooban  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay  kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay inuu meel gabo gabo ah marayo qorshaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo soo socday muddo 10 sanadood ah.

May be an image of one or more people, dais and text

Wasaaradda ayaa xustay in Soomaaliya ay dhammaystirtay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeedaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hay’ado maamul.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood , kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Safiirka Turkiga oo kormeeray shaqaalaha saadka ee Markabka qodaya Shidaalka Soomaaliya