Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in ay xireen nin Soomaali ah oo ku eedeysan qorsheynta fulinta toogasho

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa sheegay in ay xireen nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo ku eedeysan inuu qorsheynayay toogasho uu ka fuliyo xarunta ganacsiga Mall of America ee gobolka Minnesota.

Sida ay baahiyeen Laamaha Amniga, ninkaan ayaa magaciisa lagu sheegay  Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud oo 18 jir ah, waxaana gacanta lagu dhigay talaadadii ka dib baaritaan ay laamaha Amniga ku wadeen maalmo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu qof la shaqeynayay FBI-da ka iibsaday qori AK-47 ah iyo 200 xabbo oo rasaas ah, sida lagu sheegay dukumentiyo maxkamadeed oo la shaaciyay.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in ninkaan uu qorsheynayay inuu hubka u adeegsado weerar ka dhan ah xaflad ka socotay Mall of America.

FBI-da ayaa ninkaan baaritaan ku waday tan iyo December 2024, xilligaas oo qof xog-ogaal ah oo la shaqeynayay hay’adda uu bilaabay inuu farriimo la wadaago eedeysanaha.

Kiiska ayaa hadda horyaalla maxkamad federaali ah oo Mareykanka ah, waxaana eedeysanaha loo haystaa inuu qorsheeyay weerar lagu waxyeelleyn lahaa dad badan.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MM Staff

Read Previous

Mas’uuliyiinta isku ah Wasiir iyo Xildhibaan oo la faray in labada xil mid baneeyaan