Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray Safaaradda dowladdaJabuuti ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa safarkii kan ka horreeyay waxaa uu dhagax dhigay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti,waxaana uu hadda Muqdisho u joogaa xarig jarka safaaradda oo dhismaheeda la soo gaba gabeeyay.

Fanaanka Cawaale Aadan oo ah Reer Jabuuti lana socda Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa hees ka qaaday munaasibadda xarigga looga jarayay safaaradda cusub ee Jabuuti ku leedahay magaalada Muqdisho.

