Tababare cusub oo loo magacaabay Xulka Qaranka Soomaaliya.

Waxaa lagu soo waramayaa in Tababare cusub loo magacaabay xulka qaranka dalka Somaliya oo maamuli doono labada sane ee soo socoto.

Gaffer Bashiru Hayford, oo u dhashay Dalka Ghana ayaa loo magacaabay tababaraha Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Waxaa uu horay tababare uga soo noqday Xulka Qaranka Ghana ee Haweenka ah,waxaana uu sidoo kale tababare u soo noqday Kooxaha kala ah; Asante Kotoko iyo  Medeama SC.

Gaffer Bashiru Hayford, ayaa saxiixay heshiis labo Sano ah oo uu ku maamulayo xulka kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya ee Lions of Punt.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Raul Jimenez: “Waxaan jeclahay inaan sii joogo Wolverhampton Wanderers”

Read Next

Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho oo xarigga laga jaray,Sawirro