Wadahadalka u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya & Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayay labada Dowladood ka gaareen horumar wanaagsan sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan labadaan Dowlad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Hossein Amirabdollahian oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beirut Caasimadda Dalka Lubnaan ayaa sheegay in wadaxaajoodka socda mira-dhalkiisa uu dhaw yahay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa Amiir Faysal Bin Farxaan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in wadahadal toos ah oo ay la sameeyeen Tehran September 2021 meel wanaagsan uu marayo, rejada Riyadh waxa uu ku tilmaamay mid lamid ah tan Iiraan.
Sacuudiga & Iiraan ayaa kala taggooda siyaasadeed loo sababeeyay taageerada Tehran ee Suuriya iyo Yemen gaar ahaan Kooxaha Xuutiyiinta, halka Riyadh ay garab u tahay xoogaggga kasoo horjeeda Bashar al-Assad & Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Yemen.
2016-kii ayuu si rasmi ah u go’ay xiriirka Tehran & Riyadh balse haatan labada Xukuumadood ayaa daneynayaa dib usoo celinta cilaaqaadkooda si ay usoo xiraan bogga madow ee colaadda diiwaanka u gashay.
Mustaqbal
