Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug & saraakiil katirsan Howlgalka AMISOM ayaa tababar usoo xiray Ciidan loo qorsheeyay ilaalinta Baydhabo & Baraawe oo lagu qabanayo Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka BFS.
Isxaaq Cali Subag ayaa wada-shaqeynta Ciidanka Soomaalida & kuwa midowga Afrika ku sheegay in ay fure u tahay sugidda Amniga goobaha lagu qabanayo Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee saami ahaanta loo siiyay Koofur Galbeed.
“Amniga Doorashada waa muhiimadda koowaad, ciidamada Koofur Galbeed & AMISOM waxaa loo tababaray ilaalinta goobaha Doorashada, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub & Boqortooyada Ingiriiska ayaa mas’uuliyad gaar ah iska saaray tababarkaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed.
Ciidamada Militariga Federaalka, Daraawiishta Koofur Galbeed & AMISOM waxa uu kaalintooda amni sugidda kasoo geliyay deegaannada ka baxsan Magaalooyinka doorashooyinka ay ka dhacayaan halka Booliiska ay xaqiijinayaan nabadgalyada Gudaha sida uu hadalka u dhigay.
DG Koofur Galbeed oo soo dhammeystirtay 8-dii Senator ee ku metalaya Aqalka Sare BFS ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabeyso qabashada Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka si dhankooda howshaas uga soo dhammaato.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Galmudug, Gobollada Waqooyi (Somaliland) & Banaadiriga ugu baaqay in ay soo doortaan Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.
Mustaqbal
