Guddiga Laftagareen u xilsaaray Dadkii ay masaafurisay Somaliland oo la kulmay QM.

Guddiga Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen u xilsaaray Dadka Somaliland ay ka masaafurisay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa la kulmay Wakiilo ka socda Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

May be an image of 4 people, people sitting and people standing

Ku simaha Madaxa guud ee isku xirka arrimaha Gargaarka ahna Madaxa UNICEF Dr Maxamed Ayoya & mas’uuliyiin kale oo ka socday Qaramada midoobay ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha Guddigaan taas oo la xiriira waxyaabaha ay u baahan yihiin laga gacansiiyo.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Guddiga ayaa soo bandhigay tallaabooyinka ugu horreeyo ay qaadayaan maadaama Dadka lasoo masaafuriyay ay yihiin kuwo ka gacmo-maran hantidii ay ku heysteen Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

May be an image of 1 person and sitting

Sidoo kale Guddiga ayaa Wakiilada ka socday Qaramada Midoobay u gudbiyay hanjabaadda horleh ee Somaliland u jeedisay in ay ku raafeyso Dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

Wakiilada shirka ku metalay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda ka sarreysa ay u gudbinayaan warbixinta oo dhammeystiran si gurmad degdeg ah loogu qorsheeyo qoysaskaan awoodda looga soo dhex saaray Goobahooda Ganacsiga & Hoygooda.

May be an image of 1 person and sitting

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Somaliland ka dalbaday in ay soo wareejiyo hantida dadka ay soo masaafurisay, halka Dowlad-Goboleedkiisa uu dusha saaranayo mas’uuliyadda dib usoo celinta, dib u dejinta & daboolidda baahiyaha gaarka ah ay qabaan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Koofur Galbeed & AMISOM oo diyaariyay Ciidanka sugaya amniga Goobaha Doorashada.

Read Next

Macharia Kamau: “Kenya ma aqoonsan doonto go’aanka ICJ ee Dacwadda Badda”.