Maamulka Deegaanka Xarfo oo gurmad u dalbay Shacabka Somaliland ay masaafurisay.

Cabdulqaadir Cumar Maxamed Guddoomiyaha Deegaanka Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in xaalado dhanka nolosha ah ay lasoo derseen Qoysaska sida qasabka ah Somaliland uga masaafurisay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in qoysaskaan aanay heysan hoy degeen, halka ay ku jiraan Dumar qaarkood aan umusha weli ka bixin balse si qasab ah looga soosaaray Guryihii ay ku noolaayeen waqti dheer sida uu hadalka u dhigay.

“Gurmad degdeg ah ayay u baahan yihiin Dadkaan oo aad u tabaaleysan, waxa ay u badan yihiin Haween umulo ah, kuwo xaamilo ah (Uur leh) & Dad xannuunsan, ma wataan agab iyo raashin, si qasab ah ayaa Gawaarida loosoo saaray” Ayuu yiri Guddoomiye Cabdulqaadir.

Guddoomiyaha Deegaanka Xarfo ee Gobolka Mudug waxa uu cid weliba oo arrintaan gacan ka geysan karta ka dalbaday in kaalinteeda ay ka qaadato si dib u dejin loogu sameeyo qoysaskaan laga soo dhex saaray Hantidooda & Hoygooda.

Somaliland oo boqolaal ruux kasoo saartay Gobolka Sool ayaa ku goodineysa in 21-ka October 2021 dad horleh ay ka masaafurineyso Gobolka Sanaag, taasi waxa ay welwel ku beertay qoysaska kunool Gobolkaas.

Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Bulshada Rayidka, Culimada, Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, Midowga Musharixiinta & Qaramada Midoobay ayaa wadajir u cambaareeyay tallaabada Masaafurinta ah ee Somaliland kula dhaqaaqday Shacab kasoo jeeda Koofurta Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Khilaafka Farmaajo & Rooble ma saameeyay Jadwalka Doorashooyinka Dalka?

Read Next

Sacuudiga & Iiraan oo horumar ka gaaray wahadalka u socda.