Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo looga jawaabayo weerar ay ku tilmaamtay khiyaano iyo gardarro oo ay dawladda Iiraan ka fulisay gudaha caasimadda dalkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan ku cambaareysay weerarkii lala beegsaday dhismaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Riyaad.
Wasaaraddu waxay weerarkaas ku tilmaamtay mid khiyaano ah oo lagu xad-gudbay madax-bannaanida dhuleed ee Boqortooyada iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xarumaha diblomaasiyadda.
“Boqortooyadu waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkan. Tani ma ahan oo kaliya weerar lagu qaaday saaxiibadeena, waa xad-gudub toos ah oo ka dhan ah amniga qaranka Sacuudiga,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Riyaad.
Sacuudiga ayaa fariin cad u diray xukuumadda Teheran, isagoo xaqiijiyay inaysan ka waaban doonin adeegsiga awood kasta oo lagama maarmaan ah.
“Boqortooyadu waxay dib u xaqiijinaysaa xaqa ay u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka ay ku difaacayso nafteeda, dadkeeda, iyo danaheeda guud. Waxaan miiska noo saaran dhammaan ikhtiyaariada aan kaga jawaabeyno gardarro kasta oo nagaga timaada dhanka Iiraan,” ayay raacisay Wasaaraddu.
Hadalka Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli Iiraan ay duqeymo la beegsatay goobo ku yaalla gudaha Sacuudiga gaar ahaan Safaaradda Mareykanka iyo Xarruumaha Shidaalka.
Mustaqbal
