Degmada Jalalaqsi oo maanta ka billaabatay ololaha diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa maanta ka billowday ololaha diiwaangelinta codbixiyaasha, waxaana la diyaariyay xarumaha lagu diiwaangelin doonno Dadka Magaaladaas.

May be an image of one or more people and crowd

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay Dadka Degmada Jalalaqsi si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada Dowladaha Hoose oo ay ku tartamayaan Xisbiyada isku diiwaangeliya.

May be an image of one or more people

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa Dadka Degmadaas ugu baaqay in ay isdiiwaangeliyaan si ay u doortaan xubnaha Golaha Deegaanka ee metala, waxaana sare loo qaaday amniga guud ee Degmadaas.

May be an image of one or more people

Doorashada Dowladaha Hoose ee Dadweyne ayaa lagu billaabay Muqdisho iyada oo hirgashay 25kii December 2025, doorashadu waxa ay u gudubtay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.

May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says '‎COORASHOOYINEL COU 7 KAN ് NIEBC AXA-BANNAAN SHOOYNKA SOOHDIMAH المستقلة لوطنية والحدود ثابت FURKA DI OOYI E DO NGELINTA CODBIX JALALAQSI GO SHA FE ASH . H Ku Saa adlan w Macluumaaa Fadla bruary 20 A‎'‎‎

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hay’adda SoDMA oo ku baaqday in si degdeg ah loogu gurmado Dadka Abaartu ku saameeyay Dalka

Read Next

Sacuudi Carabiya oo war ka soo saarey duqeymaha Iiraan ka fulisay gudaha dalkaasi