RW Xamse oo shaaciyay in dowladda si joogta ah u bixiso kabka Miisaaniyadda Dowlad goboleedyada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalku si joogto ah u bixiso kabka miisaaniyadda dowlad-goboleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sannadkii 2025, oo uu ku tilmaamay xilli ay dowladda federaalku bixisay dhaqaalihii ugu badnaa, ay dowlad-goboleedyadu heleen taageero dhaqaale oo muhiim ah.
“2025 oo ahayd xilligii ugu yawyawga badnayd, dowladda dhaqaalaha ugu badan ayay siisay maamul-goboleedyada, taas oo meesha ka saartay in dhaqaalaha dowladda siyaasadaynaysay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ka wada hadlayaan arrimo la xiriira wada-shaqeynta, dhaqaalaha iyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
Mustaqbal
