RW Xamsa oo Shacab & mas’uuliyiin Salaadda Ciidda kula tukaday Nambar 50

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa deegaanka nambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Salaadda ciidul-fitriga kula tukaday Shacab, Ciidan iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

May be an image of 5 people and rhinoceros

Xamsa oo dhinac taagnaayeen Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiirka Dekedaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale ayaa khudbad u jeediyay dadkii goobta joogay.

May be an image of one or more people

Waxa uu ku bogaadiyay in ay kordhiyaan doorkooda ku aaddan in ciidamada ku gacansiiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka si gaar ahaan Shabeelaha Hoose oo katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

May be an image of 6 people

Ciidamada qaybahooda kala duwan ayuu ku dhiirrageliyay in ay sii kordhiyaan adkaynta amniga, ka mas’uul ahaan waxa uu sheegay in sababta ay u tageen furimaha dagaalka ay tahay dardargelinta howlgalladaas socda sida uu hadalka u dhigay.

May be an image of 4 people

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW Soomaaliya “Ilmahaagu yaanay farxin iyada oo kuwa deriska ah aanay farxayn”

Read Next

MW Xasan “Waxa aan gogol u fidinayaa Siyaasiyiinta & Hoggaamiyaasha Bulshada si aragtidooda qayb uga noqoto dhismaha Dowladnimo casri ah”