RW Xamsa oo magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeyn doono Taakuleynta Dagaalka lagula jira Daacish iyo AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran kaas oo ka shaqeyn doono Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka ayaa ka kooban 7-xubnood oo isugu jiro qaar kamid ah wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale,  guddigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdisalaan Cabdi Cali.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay magacabeyso guddi ka shaqeynaayo hawlagallada dagaal ee dalka ka socda, iyaga oo ka shaqeyn doona taakuleynta dagaalladaas uu dalka dagaal kula jiro Al-shabaab iyo Daacish.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidanka Xoogga iyo Jubbaland oo hawlgallo ka dhan ah AS ka wado deegaannada Janaa Cabdalle iyo Afmadow

Read Next

Amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos yimaada oo la adkeeyay