RW Khayre oo qaabilay Maamulaha Guud ee guddiga badbaadada caalamiga ah (IRC).

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Maamulaha Guud ee guddiga badbaadada caalamiga ah (IRC), David Miliband, oo socdaal ku yimid Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo David Miliband ayaa ka wada hadlay guud ahaan barnaamijyada IRC ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta caafimaadka.

Guddiga badbaadada caalamiga ah ayaa ka shaqeeyaa gargaarka bini’aadninimo ee caalamka, iyo barnaamijyada horumarinta, waxa uuna gargaar degdeg ah iyo caawimaadda waqtiga fog siiyaa qaxootiga iyo dadka ku barakacay dagaallada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Guddiga difaaca Golaha shacabka oo guddi u magacaabay weerarkii Hotel Saxafi

Read Next

3 qof oo lagu dilay Muqdisho.