Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Rag hubeysan ayaa Duhurnimadii maanta xaafada Laba-Dhagax ee degmada Wardhiigley (Wartanabadda) waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah, sidaaswaxa u sheegay Mustaqbal Radio saraakiisha nabadgelyada degmadaas qaabilsan .
Dad joogay markii uu dilkaasi dhacayey ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in kooxda hubeysan ee geysatay dilku ay si gaadmo ah u fuliyeen falka.
Maamulka degmada Wartanabadda iyo Hay’adaha ammaanka ayaa tagay goobta waxayna sameeyeen baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.
Sidaas oo kale Wararka aan ka heleyno xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilliwaa ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay halkaasi ku dileen gelinkii danbe ee maanta nin kale oo isaguna dhalinyaro ahaa.
C/risaaq Maxamed Raage oo ah qofka 2aad ee la toogtay ayaa u shaqeynayey shirkadaha Isgaarsiin
Meydka C/risaaq Maxamed Raage ayaa la geeyey xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Koox hubeysan ayaa maqribnimadii caawa waxa ay xaafada 6 Piano ee degmada Hodan ku dileen Garaad Yaasiin Faarax oo u shaqeynayey shirkadda SIGNJET, Dilkan ayaa yimid kadib markii raggan ay isku dayeen in ay telefoonka gacanta ka dhacaan, balse isaga uu diiday, sidaasina ay rasaas ugu fureen.
Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay marka ay dilka geysteen, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno burcadii dishay wiilkooda.
Waa qofkii Saddexaad ee Maanta oo Khamiis ahayd lagu dilo magaalada Muqdisho, iyada oo laamaha nabadgelyadu ay sheegayaan in ay wadaan dadaal badan oo kuwajahan sidii ay u nabadeyn lahaayeen Caasimadda.
Xigasho: Ila kaladuwan
Mustaqbal Media
