Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Samiiro Axmed Maxamuud, Waxa ay kamid tahay boqolaal arday ah oo maanta ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir ee magaalada, Kuwaasoo Sanado soo waday halgan dheer oo ay ugu jireen sidii ay heerkan u soo gaari lahaayeen.
Samiira, waxa ay ka yaabsatay dadkii goob jooga ka ahaa Xaflada Qalin jabinta, Maadaama ay kali ku eheyd Kuliyada ay dhameysatay ee Injineerinka, Qeybteeda dhismaha ama Civilka, Majirin wax gabar ah oo wehlinayay.
Waxaa taas kaaga sii daran, Iyadoo Kaalinta Koowaad u gashay ku dhowaad 90 Arday oo dhamaantood rag ah, Sanadan oo kaliya ma eheyn ee hore ayey sidan oo kale kaalmaha hore u soo tiigsatay.
Samiiro Axmed Maxamuud, wareysi ay siisay Idaacadda Mustaqbal, waxey kaga hadashay sid ay heerkan ku soo gaartay iyo waxa ay dareemeyso.
Wareysiga, ayey ku sheegtay iney dhibaatooyin kala kulmi jirtay Bulshada inteeda kale oo la xiriirta in iyadoo Gabar ah ay baraneyso dhismaha Guryaha, Mararka qaar ayey sheegtay in lagula talin jiray iney Kuliyada ka badalato.
Sanadii 2015, ayey Samiira soo gaartay Muqdihso, iyadoo ka timid dalka yemen oo ay ku soo waxbaratay, Waxaana Muqdihso keenay dagaaladii ka qarxay yemen ee dadka soo barakiciyay.
Waxbarashadeeda ayey halkan ka sii wadatay, Iyadoo isla sanadaas bilowday Jaamacada maanta ay ka qlain jabisay.
Halkan Ka Dhageyso Wareysigeeda:
