Ra’isalwasaare Kheyre oo maanta tagaya Garowe

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tagaya Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xasan Cali Kheyre waxaa uu ka qeybgelayaa xuska sanad guurada 20aad ee aas aaska Maamulka Puntland oo dhaceysa 1da Bisha August ee soo socota.

Soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha waxaa lagu dheehanayanayaa Magaalada Garowe iyada oo sawirrada Ra’isalwasaaraha la suray Boorar waaweyn oo bartamaha magaalada ku yaalla.

Munaasibadda ka hor waxaa la filayaa in Ra’isalwasaaraha uu dhagax dhigo mashaariic cusub ee degaannada Puntland laga fulinayo.

Wafddi horudhac u ah booqashada Ra’isalwasaaraha ayaa xalay ku hoyday Magaalada Garowe si ay u diyaariyaan soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha.

Mustaqbal media

Read Previous

Somali family wins fight to stay in country

Read Next

Qarax ka dhacay Degmada Hodon