Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Galmudug ee Degmada Hodon,waxaa ay sheegayaan in uu Qarax ka dhacay islamarkaana uu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Hal qof ayaa geeriyooday halka labo kale ay dhaawacmeen kaddib markii Gaariga ay wateen uu qarxay.
Goobjoogayaal ku sugan Xaafadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in Qarax uu qabsaday Gaari noociisa lagu sheegay Carip,kaas oo ay saarnaayeen saddex qof.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Saddexda Qof ee saarnaa Gaariga ay wateen Dharka Ciidamada dowladda hayeeshee aysan xaqiijin karin in ay Ciidamada dowladda ka midyihiin.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaan.
