Ra’iisul wasaare Xamse oo si adag uga hadlay Cabashada Shacabka ee Garoonka Diyaaradaha

Kormeer uu maanta Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay Nadaafadda iyo caqabadaha ka taagan Garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

Waxaa uu sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.

Go’aanka ayaa ku soo aadaya xilli shacabka ku safra Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen Nadaafadda iyo caqabadaha ka taagan Garoonka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Militeriga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeellada Hoose

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay dhaxal sugaha Amiirka Kuwait