Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Militeriga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha Ciidanka oo howlgalka faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in ay soo saareen miino ay diyaariyeen AS oo lagu aasay wadada u dhaxeysa eegaanada Lambar Konton iyo Muuri.
Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa sheegay in si nabad ah loo soo saarey Miinada, isla markaasna laga badbaadiyay shacabka wadadaasi isticmaala.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka Xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday deegaanno ka tirsan Maamul goboleedyada dalka sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Mustaqbal
