Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Amiir Sheekh Sabaax Khaalid Xamad Al-Sabaax, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo sidoo kale laga wadahadlay furitaanka fursado cusub oo iskaashi oo horseedi kara dan guud iyo horumar labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Kuwait ee taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, halka Dhaxal-sugaha Kuwait uu muujiyay sida dalkiisu ugu heellan yahay in uu sii xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Kuwait ay Soomaaliya ka taageerayso daabicida lacagta Soomaaliga.
Mustaqbal
