Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, isaga oo ka
mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.
Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.
Midowga Afrika ayaa dhawaan soo magacaabay wakiil gaar ah oo ka shaqeyn doona howlaha howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal

MM News

Read Previous

Madaxweynaha Somaliland “Abaarta gobolka Awdal dad iyo xoolo ayaa ku dhintay”

Read Next

Soomaalida iyo dalalka kale oo laga mamnuucay ganacsiyada yaryar ee dalka Tansaaniya