Soomaalida iyo dalalka kale oo laga mamnuucay ganacsiyada yaryar ee dalka Tansaaniya

Dowladda Tansaaniya ayaa soo saartay amar ay ganacsiyada yaryar uga mamnuuceyso dadka Ajanabiga ee ay Soomaalida ku jiraan.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga, Selemani Saidi Jafo, ayaa sheegtay in muwaadiniinta aan u dhalan dalkaasi aysan sameysan karin 15 nuuc oo ganacsiyada yaryar ah.

Liiska ganacsiyada laga mamnuucay dadka Ajanabiga ayaa waxaa kamid ah dayactirka telefoonada gacanta, hagida dalxiisayaash furashada warbaahin.

Dowladda Tansaaniya ayaa sheegtay in ay tillaabadan uga goleedahay in la ilaaliyo suuqa shaqada dalkaasi, iyadoo fursad la siinayo dadka Ajanabiga ah.

Balse Falanqeeyasha ayaa tilmaamaya in go’aanka dowladda Tansaaniya ka hor imaanayo heshiisyada ay hore u gaareen dalalka ku mideysan bulshada bariga Afrika ee kala ah Rwanda, Kenya, Uganda, Burundi, South Sudan, DRC, iyo Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Dowladda Tansaaniya soo saarto go’aanno adag oo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka Ajanabiga ah.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Read Next

Booliiska SSC Khaatumo oo sheegay in gacanta ku dhigeen dad carqaladeyay shirka ka socda Laascaanood