Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay isbahaysi badeed oo ay sameystaan Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Madasha Caalamiga ah ee MEdays ee ka qabsoontay dalka boqortooyada Marooko.

Ra’iisul Wasaarada ayaa soo jeediyay in la sameeyo Isbahaysi Baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica oo ay Afrika hoggaaminayso, furitaanka marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay in la asaaso Sanduuqa Maalgashiga ee Daanta Koonfureed ee dunida iyo waliba in la yagleelo Madasha Garaadka Macmalka ah ee quseeya dhaqamada iyo afafka dalalka Koonfureed ee dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka mid ah madaxda qarameed ee ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah oo ah tii 17-aad, kana soo qeybgalayeen ergo dunida inta badan ka socota.

Sidoo kale, Ra’iisul ayaa la filayaa inuu kulamo gaargaar ah la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan ka qabstoomaya Boqortooyada Marooco.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Booliiska Muqdisho oo ka shiray ka hortagista tuugada geystada dhaca Moobeylada

Read Next

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad ka kooban 11 ruux