Booliiska Muqdisho oo ka shiray ka hortagista tuugada geystada dhaca Moobeylada

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda iyo ka hortagida falalka amniga lidka ku ah.

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha amniga gaar ahaan falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday howlgalada looga hortagayo tuugada xilliyada qaar dhaca ka geysta qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa faray Ciidamada Booliiska in ay dardar galiyaan amniga gaar ahaan si looga hortago dadkaasi dhaca u geysta shacabka ku nool Muqdisho.

Waxaa xilliyada qaar la diiwaan galiyay kooxo abaabulan oo moobilada iyo qalabka muhiimka ah ka qaata dadka ku nool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Militeriga Guinea-Bissau oo talada dalkaasi la wareegay iyo khalalaase siyaasadeed oo halkaasi ka taagan

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay isbahaysi badeed oo ay sameystaan Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica