Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee diiwaan galinteeda ka socoto dalka iyo xallinta tabashada ay qabaan xubnaha Mucaaradka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay warbixinno la xiriira sida dowladda uga go’an tahay sida qancinta xubnaha Mucaaradka iyo wada hadallada socda.
Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, isaga oo ku baaqay in la sii wado kulamada.
Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo la xiriira dagaalka AS iyo sidii UK ay Soomaaliya uga taageeri laheyd Amniga.
Mustaqbal
