Diiwaan galinta Doorashada ayaa ka billaabatay magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee caasimadda KMG ah ee  Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta ka billaawday  diiwaangalinta doorashooyinka ee golaha deegaanka.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Jowhar ee caasimada maamulgoboleedka Hirshabeelle waxa ay ka hirgaliyeen xaruntii ugu horeysay oo lagu diiwan-gelinayo dadka ka qeybgalaayo doorrashada golaha deegaanka.

Madaxweynaha maamulgoboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ayaa ka mid ahaa dadka isdiiwaan-geliyey.

“Shalay nin Doorasho dadban ku yimid hadduu idin hoggaamin jiray, maanta waxaa xaq u yeelan doontaan in aad cidii aad rabtiin doorataan” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ayaa la filayaa guud ahaan dalka laga hirgelinayo si loo hormariyo hanaanka dimoqoraadiyadda ee Dalka.

Gobolka Banaadir iyo maamuladda Galmudug iyo Koonfurgalbeed ayaa horay u bilaabay isdiiwaan galinta doorashooyinka golaha deegaanka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo Danjiraha UK kala hadlay xallinta tabashada ay qabaan Mucaaradka Dowladda

Read Next

Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ee INTERPOL oo ka wada hadlay ka hortagista Dambiyada