Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed oo codeeyay doorashada qof iyo codka ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa kamid noqday muwadiniinta Soomaaliyeed ee maanta u codeeyay doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maanta muwaadiniin badan ay heleen xaqooda dastuuriga ah, iyadoo bulshada ka muuqdo biseyl dimuqraadiyadeed ee dalka iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan gaarista masiirkooda siyaasadeed.

Saalax, ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka dadaalka ay ku xaqiijinta amniga shacabka iyo codayn-bixiyayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda codeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee doorashada qof iyo codka ah.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Dad ku dhintay qarax ka dhacay dalka Nigeria

Read Next

MD Xasan Shiikh oo codeeyay doorasho qof iyo cod ah