Dad ku dhintay qarax ka dhacay dalka Nigeria

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qarax xooggan uu ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, waqooyi-bari Nigeria.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dadka rayidka Muslimiinta ah xilli ay ku sugnaayeen masjid u dhow aagga suuqa Gamboru ee magaalada Maiduguri.

Afhayeenka booliiska gobolka Borno, Nahum Daso, ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in weerarku u badan yahay is-miidaamin.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Borno uu muddo dheer la tacaalayay weerarro ay fuliyaan kooxaha hubeysan, kuwaas oo marar badan bartilmaameedsada goobaha cibaadada iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Taliyaha ciidanka booliiska oo ka warbixiyay amniga doorashada

Read Next

Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed oo codeeyay doorashada qof iyo codka ah