War kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika & Dalal badan ayaa si wadajir ah loogu hambalyeeyay Soomaaliya oo maanta maamuusaysa 66 sano guurada kasoo wareegtay markii ay ka xorrowday gumaystihii Ingiriiska & Talyaaniga.
Dhinacyadaan ayaa Soomaaliya u rajeeyay nabad iyo horumar iyaga oo fariin furan u diray Madaxda Dowladda iyo Shacabka, waxa ay ku bogaadiyeen in lasii xoojiyo tallaabooyinka hortabinta leh ee Dalka uu kusii horumarayo.
Soomaaliya waxa ay madaxbannaani ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska oo haystay Gobollada Waqooyi iyo Talyaaniga oo isticmaarsaday Koofurta waxaana 1dii July sanadkii 1960kii lagu dhawaaqay midowga labadaas Gobo loo halkaas lagu dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Mustaqbal
