Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay todobaadka xorriyadda, waxaa kale oo qayb ka ahaa Madaxda sare ee Dowladda, Wakiillada Beesha Caalamka & marti kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, isla goobtaas ayuu salaam uga qaatay Ciidamada qaybahooda kala duwan oo bandhig ciidan sameeyay.
Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa kaalintooda ka qaatay sida Waxbarashada, Kalluumaysiga, Beeraha, Dhallinyarada & Cayaaraha iyo kuwo kale oo soo bandhigay waxqabadkooda oo kooban.
Mustaqbal
