Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo Qarax ay maanta ka dhaceen degmadaas.
Qaraxyada ayaa lala beegsaday labo Maqaayad oo laga cabo shaaha,waxaana wararku intaas ku darayaan in ay ku dhaawacmeen lix qof.
Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in qaarkood xaaladdooda adagtahay,waxaana Maqaayadaha fariisan jiray Ciidamada dowladda.
Goobjooge ku sugan Magaalada Ceelwaaq ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in lix qof ay ku dhaawacantay qaraxyada oo ay u dhaxeysay labo daqiiqo oo kali ah.
Goobjoogaha ayaa u sheegaya Idaacadda Mustaqbal in labada qaraxba ay ahaayeen labo Qarax oo Miino ahaa lana geliyay dhulka.
Xilliga ay dhacayeen labada qarax wax ciidan ah ma joogin maqaayadaha,waxaana kaliya ku dhaawacmay dad rayid ah oo uu midi cunug yar yahay.
Saddex ka mid ah Dadka dhaawaca ah ayaa xaaladdooda la sheegayaa in ay darantahay kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Degmada.
