Midowga Yurub oo ku dhawaaqay lacagta uu ku taageerayo miisaaniyadda Somaliya

Calanka Midowga Europe.

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu bilkasta bixinayo taageero maaliyadeed oo uu ku bixinayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Lacagta uu ballanqaaday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay dhantahay $100 Milyan oo Yuuroo,waxaana ay soconeysaa ilaa sanadka 2021ka.

War ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtaas la marsiinayo Hay’adaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaliya,iyada oo la adeegsanayo hanaanka maaliyadda Soomaaliya ee hadda jira.

Bixinta taageeridda Miisaaniyadda Soomaaliya ee Midowga Yurub waxaa ay billaabaneysaa Bisha October ee sanadkan 2018.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay kaddib markii ay Beesha Caalamka aragtay isbeddelka lagu sameeyay dhaqaalaha iyo hay’adaha Maaliyadda Soomaaliya.

Waxaa ay ku soo aadeysaa maalin kaddib markii Bangiga adduunka uu ballan qaaday $80 Milyan oo doollar oo ma shaariic looga fulinayo gudaha Soomaaliya.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Qaraxyo ka dhacay Ceelwaaq

Read Next

European Union announces its first ever Budget Support to Somalia