Qarax aan Khasaare geysan ayaa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho kaddib markii uu Bam gacmeed tuuray Nin ay ka shakiyeen Booliska.
Ninkan ayaa waxaa eryanayay Ciidamada Booliska ee Degmada Waabari,waxaana mar ay ku dhawaadeen in ay qabtaan uu dhigay Bac uu ku waday walxaha qarxa.
Ninka ayaa markii dambe ku cararay luuq dheer kaddibna waxaa qarxay Bacdii uu walxaha qarxa ku watay sida ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Mustaqbal Radio.
