Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Qarax gaari oo jugtiisa inta badan laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa nuuciisa uu ahaa miinada dhejiska, waxaana lagu xiray mid ka mid ah gawaarida raaxada.
Qaraxa kadib Dab xoogan ayaa ka kacay gaariga, iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay daminta Dabkaasi.
Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ku geeriyooday ruuxii watay, islamarkaana ilaa hada aanan la ogeyn waxa uu ahaa.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxayna shacabka u diidayaan inay maraan halkaasi.
Magaalada Muqdisho waxaa ku kordhay qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro masuuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha rayidka.
Laba Habeen kahor ayay aheyd markii meel ku dhaw Zoobe uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa laanta dambi baarista.
Dhinaca kalena, Iska hor imaad mudo kooban socday waxa uu Caawa ka dhacay Igsoyska Siinaay ee magaalada Muqdihso, halkaas oo ay ku usganyihiin Ciidamo boolis ah.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in iska hor imaadka uu sababat khasaare dhaawac ku kooban, uuna yimid kaidb markii gaari ay wateen Rag hubeysan ay ka shakiyeen Ciidamada amaanka, intaasi kaidbna ay fareen inuu istaago balse rasaas uu soo riday.
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaariga, iyadoo Isgoyska Siinaay ay buux dhaafiyeen Ciidamo booliis ah.
