Mahdi Guuleed ” Nooc kasta oo xag­jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato.”

Ra’iisul Wasaare ku­xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa magaalada Brussels ee Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor­tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya xag­jirnimada.

Shirka oo Khamiistii furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo maanta oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen Xag­jirnimada.

Si lamid ah, waxaa hadafka shirkaan laga leeyahay uu yahay in loo wadaago hannaanka ugu habboon ee xididaha loogu siibi karo fekradaha xag­jirnimadda loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor­tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag­jirnimada ku salaysan,” ayuu Khadar yiri.

Mr Khadar oo sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in la mideeyo quwadaha caalamka si looga taqaluso xag­jirnimadda.

“Nuuc kasta oo xag­jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run­sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan,” ayuu raaciyay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa walwal ka muujiyay koritaanka kooxaha argagaxisada ah ee amni darada ka abuuraya dalal ay Soomaaliya ku jirto.

“Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan,”, ayuu ra’iisul wasaare ku­xigeenku ka sheegay shirka Brussels.

Kulanka oo uu marti geliyay Machadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

Web master

Read Previous

Qarax ka dhacay degmada Hodan iyo iska hor imaad ka dhacay Isgoyska Siinaay.

Read Next

Howlgal laga sameeyay Baydhabo oo lagu soo qabtay dhalinyaro badan.