Qaramada Midoobey oo dalbatay soo qabashada dadkii dilay Maxamed Cabdi Kheyre

qaramada midoobey

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dilka Maxamed Cabdi Kheyre oo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Gobolka Mudug.

War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku cambaareysay dilka Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo.

Siihayaha ahna ku xigeenka  Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaas geystay.

Waxaa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Maxamed Cabdi Kheyre oo xalay lagu dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay Masaajid.

Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay ka xunyihiin geerida Maxamed kana tacsiyadeynayaan.

Dabley hubeysneyd ayaa xalay dilay Maxamed Cabdi Kheyre maa jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Web master

Read Previous

Nin qorsheynayay dilka Uhuru Kenyatta oo la qabtay

Read Next

DEG-DEG: Reyes oo shil-gaari ku geeriyooday.