Golaha Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in ay baaritaan ku sameynayaan waxa sababay in dalka Soomaaliya laga eryo Wakiilkii xoghayaha Guud ee Soomaaliya.
Ku xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Farxaan Xaaq, ayaa sheegay in Goluhu uu baaritaan ku sameynayo halka ay isku qabteen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Nicholas Haysom.
“Waan fiirineynaa, waana hubineynaa, waxa sababay arrintan, dhinacyo badan ayaan faah faahinta ka raadineynaa, wixii ka soo baxa ayaan ku camal fali doonaa,waxaana dib ka soo sheegeynaa tallaabooyinka xiga ee la qaadayo” ayuu yiri Farxaan Xaaq.
Dowladda Soomaaliya ayaa Talaadadii la soo dhaafay warqad ay soo saartay dalka uga ceyrisay ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nichoals Haysom,kaas oo lagu eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay arrimaha gudaha Soomaaliya.
