Dowladda Niger ayaa sheegtay in in ka badan 280 ka mid ahaa Ururka Boko Xaraam ay ku dishay sohdinta Koofureed ee ay la wadaagto Dalka Nigeria.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Niger ayaa lagu sheegay in 200 oo ka mid ah Bokor Haram lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah halka 87 kale ciidamada dhulka ay dileen.
Dhamaadkii Bishii December ee la soo dhaafay Ciidamada Qalabka sida ee dalka Niger ayaa billaabay guluf ka dhan ah Bokor Haram,waxaana ka qeybqaadanayay dhamaan Ciidamada Dalka Niger.
Bishii November ee la soo dhaafay dalalka Chad, Cameroon, Nigeria iyo Niger, ayaa ku heshiiyay in ay billaabaan guluf dagaal oo ka dhan ah Boko Haram dalkastana dhinaciisa ka billaabayo.
Dowladda Niger ayaa sheegtay in dagaalkaas ujeedkiisu yahay in ay dhamaato cabsida dadkeeda ka qabaan weerarrada Boko Hara moo si wada jir ah uga dagaallanta Dalalka Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon.
