7 Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir waxaa ka billowday bixinta Kaararka la siinayo Dadkii horey loogu diiwaangeliyay Doorashada Dadweyne ee Dowladaha Hoose oo dhowaan ka billaaban doonta Magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Boordheere, Waaberi, Cabdicasiis & Shangaani, waxaa la geeyay shaqaale katirsan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka si qof weliba oo mara habraaca u gaarka ah uu u siiyo kaarka codaynta.
Xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan iyo mas’uuliyiin katirsan Maamullada Degmooyinka laga billaabay bixinta Kaararka ayaa tagay xarumaha lagu bixinayo kaarkaan oo qofkii qaata u suuragalaysa codaynta Doorashada.
Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in uu dhaqangelinayo Jadwalka uu ku wajahayo Doorashada iyada oo laga billaabayo Gobolka Banaadir kaddibna loo gudbi doonno Dowlad-Goboleedyada.
Soomaaliya ayaa muddo dheer raadineysay sidii ay uga dhici lahayd Doorasho qof iyo cod ah si looga gudbo doorashooyinkii Dadbanaa ee Dowladihii Dalka soo maray lagu dhisay iyo in laga gudbo Magacaabista mas’uuliyiinta Gobollada iyo Degmooyinka.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
