Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2026 oo korortay 1%

Kulanka wadajirka ah ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhagaystay Miisaaniyadda Sanadka soo socda 2026 oo sanadkaan ka duwan sanadihii hore sida hannaanka loo diyaariyay & farsamo ahaan.

Kulanka waxaa shirguddoomiye ka ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, mas’uulka labaad ee ugu derajo sarreeyay waa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare  Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Miisaaniyadda sanadka soo socda 2026 waa $1.373 Bilyan oo doollar, halka sanadkii hore ahayd Miisaaniyaddu $1.359 Bilyan oo doollar, farqiga kororka oo ah 1% waa $13,750,793 sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Isbaddelka sanadkaan ayaa lagu sheegay in mashaariic kala duwan iyo fursado la abuuri doonno, sidaas awgeed loo baahday in kor u kac la sameeyo iyada oo laga tusaale qaadanaya howlahaas kala duwan ee la qabanayo.

Kulankaan oo ah kulanka 4aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka, miisaanadda waxa ay kamid tahay waxyaabaha indhaha lagu hayo iyada oo Xildhibaannadu su’aalo weydiiyeen mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Maaliyadda XFS.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Qaadashada kaararka dadka isku diiwaangeliyay Doorashada Dadweyne oo Muqdisho ka billaabatay

Read Next

Xoghayaha JSP “Xisbiga waxa uu leeyahay nidaam hoosaad oo lagu kala saari doonno Musharrixiinta”