PSG Oo £ 60m Ku Dooneysa Matteo Guendouzi.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Matteo Guendouzi, waxeyna ku doonayaan aduun dhan 60 milyan oo ginni.

19 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah u ah kuso bandhigay kooxda reer London xilli ciyaareedkaan, isagoo 33 kulan u ciyaaray tartamada oo dhan.

Jariiradda The Express ayaa ku warameysa in kooxda reer France ee  PSG ay u dhaqaaqeyso saxiixa da’yarkaan suuqa julaay.

Guendouzi ayaa xagaagan kuso biiray kooxda Arsenal wuxuuna durba soo jiitay indhaha Tababarayaasha yurub oo uu ka mid yahay Tababaraha PSG.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Manchester United oo £ 262m ku dooneysa xidig France ka ciyaara, waa kee?

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Burundi